Ticker

6/recent/ticker-posts

Dalka burkina faso: taariik, awood siyaasadeed iyo loollan mustaqbalka ah.

 jaleecida iyo wax ka dhihida dalka ugu saamaymta badan dinda maanta ah ee burkina faso. aan ku dhex-geeyo dalka ugu afganbiga badan dunida maanta, hogaamiya ugu da`da yar dunida maanta, dal marti galiyey 8 af-gambi duinda maanta.


burkino faso waa dal dhaca galbeedka qaarada africa , oo xornimada ka qaatay dalka gumaystihiin faransiisska hillaadau markau ahayd 1960-kii inkastoo uu dalku leeyahy dad firfircoon, iyo djhaqan hodan aha, haddana waxa uu la tacaalayaa dhibaatooyin siyaasdeed, afgambiyo joogtaa ah, faragalin shishiiye, iyo xasaloonidaro dhanka ammaanka ah.

burkino faso waa mid kamida dalalka ugu badan ee lakulmay afgamiyada ciidan hadduusan ahaynba kan foolaada u ah afgambiyada ka dhaca dunida , tan iyo markii uu xoriyada ka qaatay gumaystihii faransiiska, dalkaan waxaa ka dhacay 8 afgambi taasoo muujinaysa dhuglaansha dhismaha dowlada,

afgambigii ugu dambeeyey wuxuu dhacay markay hillaadu ahayd 2022, waxaana talada la wareegay hogaanka ugu da`da yar dunida maanta ee captain ibrahin traore, oo xukunka ka tuuray paul-henri.


hogaamiyaashii soomaray dalkaan waxaaa kamid ahaa thomas sankara ( 1983-1987) oo loo yaqaanay che guevara africa. sankaara waxa uusameeyey isbadalo waa weyn sida :

1: kor uqaadista waxsoosaarka gudaha

2: diidmada deymaha shisheeye

3: hormarmarinta waxbarshada , caafimaadka iyo xaqa haweenka.

inkastoo isagana ladilay 1987, haddana sankaara wuxuu astaan u yahay halgan iyo isbadalo lamahadiyey.

hogaamiyaha hadda talada haya, ibraahim toreere wuxuu layimid rajo cusub, balse wali waxaa jira culeysyo ammnidaro iyo hoos u dhac dhaqaale.

xaaladdaha amni iyo dhaqaale.

burkino waxay la daalaa dhacaysaa weerarro joogtaa ah oo ay fulinayaan kooxo hubaysan oo xiriir la leh al-qacida, iyo daacish.

weeraradani waxay barokiciyeen dad lagu qiyaaso 2milyan oo qof, waxay kaloo curyaamiyeen dhaqaalihii, wax soosaarkii bbeeraha, iyo waxbarashadii.

dhanka dhaqaalaha dalka ayaa si weyn ugu tiirsan beeralayda yar-yar iyo macdanta taasoo noqon karata fursad hormarineed  haddii loo maamulo si hufan.


rajoojiynka mustaqbalka ee dalkaan; burkino waa dal leh buksho karti iyo firficooni siyaasadeed lrh. si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka wuxuu ku xirnaan doonaa :

in lahelo hogaan daacada oo isbadal keenikara.

in la dhiso ama la tayeeyo ciidan qaraan oo u adeega danaha masiirigaa ee dalka oo aan la safan garab siyaasi ah.

in la xakameeyo farigalinta dibada si looga baaqsado curyaadim qaran.

in laxoojiyo haayada dowlada iyo sharciga si loo gu talaabsado nidaamka axsaabta badan.

Gabogabo:

dalkaan waa dal ley sooyaal gaamuray iyo dad geesiyaal ah iyo fursado hormoarineed oo ballaaran , haddii uu helo hogaan xaqa oo ka maran jahwareer siyaasadeed iyo afgambiga ragaadiyey dalkaan iyo xukun maroorsiga , wuxuu noqonkaraa tusaale wanaagsan oo afkrika uu bidhaamaya.

Post a Comment

0 Comments