Ticker

6/recent/ticker-posts

Taariikhda Qoomiyada Maseyda

HORDHAC :

Qoomiyada masaydu waa mid ka mida qoomiyadaha ugu caansan bariga afrika gaar ahaan kenya iyo tenzania, dadkaan waxaa si weyn loogu gartaa muuqaalkooda dhaqan dhaqaale ee adeg , labiskooda midabada leh iyo dhaqankooda xoolo dhaqashada ku salaysan.



TAARIIKHDA QOOMIYADAAN
:

masaydu waxay ka mid yihiin dadka kuushiyaankaa, waxaana la aaminsanyahay inay ka soo hayaameen waqooyiga afrika iyo bariga suudaan qarnigii 15aad, iyagoo usooguuray koonfurta ilaa ay ku fidayeen keymaha savanna ee kenya iyo tnzania. waxay ahaayeen dad dagaal yahano ah oo reer guuraa ah , taasoo u sahashey inay la wareegaan dhul ballaaran.


masaydu waxay ku noolyihiin dhul baadiye ah oo intabadan dhul daaqsimeed ah, noloshoodu waxay si dhow ula xiriirtaa xoolaha ay dhaqandaan , gaar ahaan lo`da oo ay u arkaan astaan muujinaysa raali ahaansho ilaahi ah, waana dad guur-guura oo hadaba hoygoodu ku xiranyahay haddaba meeshay ay ka helaan daaq iyo biyo sida soomaalida oo kale , qoomiyadaan waxay kamidtahay qoomiyada xoolo dhaqato reer guuraagaa,

Maseydu waxaa dhaqankooda sal u ah qoska , qabiilka, iyo nidaamyo dhaxal oo adag, wiilaasha qoomiyadaan waxaa la baraa ama lasiiyaa tababaro kusalaysan difaaca nafta, midka qosyka iyo kan qabiilka, waxaa kaloo labaraa, sida uu usamaysan lahaa hubkiisa iyo daawooyinkii uu isticmaalilahaa dhaawacyada jirkiisa, xagga gabdhaha labaro xifdinta xoolaha, karinta cuntada, iyo barbaarinta carruuerta.

labis dhaqameedka qoomiyadaan waa shukaantaa sawirka niiga muuqat ee casaanka iyo baluuga isugu jirta, qoomiyadaan waxay kaloo qurruxda u ankaa daloolsiga bishimaha iyo dhagaha oo lagaliyo caagag waaweyn , iyo  midabo la mariyo jirka .

masaydu waxay rumaysanyihiin hal ilaah oo ay ku sheegaan inuu leeyahay waji raxariis iyo mid cadho leh, waxay ka loo aaminsanyihiin in lo`du tahay xayawaan barakaysan, balse waxaa kaloo jira dad kamida dadkaa oo aan tiro badaneyn oo qaatey diineena suuban ee islaamka iyo midka kiristanka.

GABAGABO:

Qoomiyada masaydu waa astaan taagan oo kamida dhaxal-dhaqameedka afrika , inkastoo isbadalo waaweyn ay lakulmayaan, haddana waxaa jira dadaalo xoogan oo ay ku ilaalinayaan dhaqankooda soojireenkaa, , fahmka qoomiyadaan waa tallaabo muhiima oo lagu kobcinkaro is-dhexgalka bulshooyinka iyo ilaalinta dhaqamada hodankaa ee qaarada.


FG: akhrista sharafta lahow bartaan waxaan ku soo gudbiyaa xogo laxiriira dhaqamadam, qoomiyadaha, falaqaynta siyaasada, meelaha cajiibkaa iyo taariikhaha duinidaan.

Post a Comment

0 Comments