Qofkasta oo dunida korkeeda saaran wuxuu u baahanyahay caafimaad dheelitiran si uu u wato howlihiisa .
ilaalaalinta caafimaadkaasi wuxuu u baahanyahay qaadida dhowr tilaabo oo aana badneyn laakin qofka nolashiisa wax badan ku soo kordhinaysa;
WAA MAXAY TILAABOOYINKAA?
1: cunida cuno dheelitiran; cunista cunto dheelitiran waxay door muhiima ka ciyaarta caafimaadka.
qofka waa inuu cunaa cuno laga helikara macdano dhammeystiran , waa inuuna ka qaataa xadi ku filan si uusan caafimaadkiisa wax uga qaldamin , dadkeena soomaaliyeed ma fiiriyaan waxa ay cunayaan mana ahan caado wanaagsan oo uu qofku sameeyo, waayo waxa aan la hubin waxa laga helayaa ma noqonkaraan cunis wax tarleh.2: cabida biyo badan: biyo waa lagama tagaan door weyn ka cayaara jiritaanka aadanaha.
biyo waa laf-dhabarta nolosha aadanaha waayo majiyo noole noolaankara biyo la`aan, sidaa darteed dhaqaatiirtu waxay bukanaadooda iyo dadka caafimaadka qababa kula taliyaan cabida xaddi biyo ah waxaana la sheega qofka inuu maalinkii cabbo 3-4litir oo biyo aha ama 8koob maalinkii, si ay u hagaagaan shaqada ka socota jirka dhecdiisa kana hortagaan daalka una koriyaan feejignaanata maskaxda iyo jilcinta maqaarka qofka iyo socoshada caloosha, aannaku waxaan naqaana inaan biyaha cabno markii aan haraadno laakiin markaasi waa mar jirku soodiro fariimo cabashaa oo tilmaameysa xaalad biyo la`aana inuu jirku ku suganyahay.
3: sameynta jimicsi: jimicsigu wuxuu jirka iyo maskaxdaba siiyaa caafimaad wanaagsan.
sidaada si lamida wuxuu ilaaliyaa caafimaadka jirka iyo maskaxdaba, jimicsigu wuxuu ka qeybqaataa kor u qaadida caafimaadka wadnaha iyo wareega dhiiga, wuxuu kaloo jirku ka helaa tamar iyo firfircooni maskexeed , wuxuuna xakameeyaa kor u kicista miisaanka jiraka, wuxuu kaloo dhisaa murqo wax tar u le jirka, wuxuu kaloo hagaajiyaa hurdada qofka, wuxuu kaloo kor u qaadaa kalsoonida nafeed, sidaa si lamida wuxuu ka hortagaa cuddurrada asiiba jirka, marka inaada maalinkasta leedahay 25-30 daqiiqo oo jimicsiya waxay kor uqaadaysaa caafimaadka jirkaaga.4: Helitaanka hurdo kugu filan: helida hurdo kugu filan habeenkii waxay kaa caawinaysaa ,
inaad hesho tamar aad maalinkii si fiican ugu shaqeyso iyo daganaasho maskexeed, hurdada maahan waxa laga gorgortamikaro waa waxa ku raadeysan qurruxdeeda , daganaashehena, firfircoonideena iyo tamarta jirkeena iyo maskaxdeena , inaad habeenkii seexataa xilli hore waa caado wanaagsan oo caafimaadkaaga taageerikarta , dhaqaatiirtu waxay dadka soo booqda kula taliyaan inay seexdaan 7-8hours habeenkii, ilaahayna qur`aankiisa wuxuu noogu sheegay hurdada waxtarkeeda wuxuuna yiri
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
"Waxaan ka dhignay hurdadiinna nasasho (degganaan iyo tamar celin)." (Surat An-Naba' – Aayadda 9)
marka qofwalba waa inuu ilaaliyaa xaddiga hurdadiisa.
5: ka fogaasha balwada: sidaan wada ognahay balwaduhu waa dilaa qarsoon oo qofka ku kalifa dhimasho.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالْأَنْصَابُ وَالْأَزْلَامُ رِجْسٌ مِّنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
"Kuwa xaqa rumeeyow, khamriga, sharadka, sanamyada, iyo fallaaraha saadaasha waa wasakh ka mid ah falalka Shaydaanka; ka fogaada, si aad u liibaantaan."
(Surat Al-Ma’idah – Aayadda 90)
6: yareynta murugada iyo welwelka: xanuunadaani waa kuwo sahlan oo qofka asiiba kuna keenaa afcaasha maalimlahaa ee uu sameeyo laakiin haddii qofku murugadiisa iyo welwelkiisu bato waxaa ku dhicikara xannuno halisa waana wax la xakameynkaro qofku wuxuu ku xakameynkaraa inuu naftiisa ula hadlo si dabacsan howlihiisana u qabsado si fudud ee uusan nafta ku adkeyn , sidoo kale wuxuu ku xakameynkaraa sameynta waxyaabaha uu jecelyahay si uu uga helo degaanaan, sidaada silamida waxaa si awoodeysan loogu xakameynkaraa wardiga maalinlahaa iyo quraan akhriska joogtadaa.
wardiga iyo quraan akhrisku waa quudka ruuxda qofkuna wuxuu ka helaa deganaan maskexeed iyo qanaaco nafeed ilaahayna wuxuu quraankiisa ku leeyahay
الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ
Kuwa rumeeyey oo qalbiyadoodu ku dago xuska Alle. Ogoow, qalbiyadu waxay ku dagaan xuska Alle.
(Surat Ar-Ra’d 13:28) aayadaan ilaahay wuxuu noogu tilmaamayaa in xuskiisa laga helo daganaan qalbiyeed.
7: isbaaris caafimaad: inuu qofku sameeyo isbaaris caafimaad waa hab-dhaqan fiican
waayo qofku wuxuu si dhow ula soconkaraa xaalada caafimaad ee jirkiisa , qof walbana waxaa haboon inuu sannadkii halmar ama labbo mar isbaaro si uu uga hortago cudurada ku dhaca jirka ee halistaa.GABAGABO!
Ciwaankeena caawa wuxuu daaranaa caafimaadka guud ee qofku iyo sida lagu ilaalinkaro annakoo uga haddalnay qodobo dhowra waxaana rajeynayaa inaan ka wada bogono ciwaanka caawa;
sidaada si lamida akhrista sharafta lahow wixii talo iyo tusaalaa noogu reeb barta faalada.
0 Comments