Ticker

6/recent/ticker-posts

KANSARKA DHUUNTA!

HORDHAC:

siguud kansar waa cudur dilaa ah oo ku dhaca qeybaha jirka isagoo si sahlan ugu faafa jirka intiisa kale, wuxuuna leeyahay noocyo badan waxaana kamida kansarka naasah, midka maqaarka, midka dhuunta/cunaha, midka beerka, midka lafaha, midka dhiiga, midka qanjirada iyo noocyo kale oo badan.

haddaba maqaalkeenaan waxaan ugu haddlidoonaa mid kamida noocyada ugu badan ee dadka ku dhaca hadduusan kan koowaadba ahayn waana kansarka ku dhaca dhuunta/cunaha.

JECLAANLAHAAYAA IFTIIMINTIISA NOOCAAN!

Kansarka dhuunta waa nooc kamida kansarada ugu halista badan wuxuuna qofka ka asiiba tuubada dheer ee gudbisa quudka qofka ee loo yaqaano hunguriga, noocaa kansarkani wuxuu marka hore ku bilowdaa nabaro yaryar oo ku sameysma dhuunta gudeheeda ama dibadeeda kadibna waxay nabaradani isku badalaan burooyin , kadib waxay cadaadis saaraan ama isku gudbaan dhuunta, markaas oo uu qofkuu ku dhibtoodo qaadashada quudkii yoomiga ahaa,

CALAAMADAHA LAGU GARTO CUDURKAAN:

Cudurkaan wuxuu leeyahay astaamo badan oo lagu jahwareero sida ay dhakhaatiirtu badanaa qabaan. waxaana kamida astaamaha lagu garto cudurkaan wuxuu qofku yeelanayaa qufac badan, riiraxyo joogtaa, qofka ay ku adkaato cuninsta iyo cabista, qofka oo yeesha qandho joogtaa, xabad/shaf xanuun ,miisaan dhac joogtaa, neef qabatin, matag/hunqaaco, daal-joogtaa.

NOOCYADA UU U QEYBSAMO:

Nooc ku dhaca xuubka hoose ee hunguriga oo ah barta ay isaga xirmaan hunguriga iyo afaafka caloosha

Nooc ku dhaca qanjirada yar-yar ee dhuun mareenka.

Nooc ku dhaca unguyada neerfaha iyo hoormaanka ee laga helo dhuunta.

FG: noocyada uu uqeybsabo waxaa ugu waa weyn 3nooc laakiin kan ugu dambeeya aad buu dunida ugu yar yahay.

MAXAA SABABA CUDURKAAN?

Cudurkaan wuxuu leeyahay sababayaal doora oo ka qeyb qaata horusocodkiisa waxaana u kala qeybindoonaa labbo qeybood oo sababa cudurkaan

* waxaa sabsaba cudurkaan isticmaalka daawooyinka xad-dhaafkaa, sida ku wa yareeya aashidka caloosha, iyo daawooyinka aana dhakhtarku qorin oo qof doonaygaa waayo lama hubo xaddiga uu qofka qaadanayo taasoo sababta in qofku ay ku dhacaan xanuuno aan la garaneyn.


*
Waxaa kaloo cudurkaan sababikara daawooyinka loo isticmaalo beeraha oo lagu buufiyo khudaarta iyo dalaga ay dadku baartaan , waxayna ku sababikartaa labbo hab oo kale ah in isticmaalkeeda aad loo badiyo ama xadigeeda la dhaafiyo iyo in la isticmaalo mid dhacday ama sikale mid aana marin tijaabo caafimaad.



*waxaa isna yira sababe weyn oo dadku aysan ku baraarugsaneyn waxaana weeye cunooyinka qasacadeysan , waayo cunada lagu soorido daasadaha/qasacada waxaa lagu bamgareeyaa raadhiyeyshin u diideysa iney cunadu qurunto, hadduu qofku isticmaalana waxay dhibaato u keenaysaa unugyada jirkiisa.



NB: waxaa jiri kara factors kale oo aan dabiici ahayn ama ugub ah oo sababikara cudurkaan waxaana ka mida dhawaaca kaa soogaara gudaha dhuunta sida hilib adigoo cunaya inay laf yari kugu fakato oo dhaawac ku gaarsiiso, iyo liqida cunno aan xadlahayn ama qasabka dhuunta lagu qasbo liqmo aan takeeda ahayn, waxaa kale oo sabab u noqonkara inuu kugu dhaco cudunkaan cabida shaah kulul oo laga dabo cabo biyo qabow, intaa markii laga soo tago cudukaan waxaa la xaqiiyey inuu kamid yahay cudurada hiddo tirsada .

MALA DAWEYNKARA XANUUNKAAN?

Haa waa la daweynkaraa xanuunkaan haddii la ogaado xilli hore, sikastaba ha ahatee daaweynta xanuunkaan waxay ku xirantahay dhowr siyaabood ; nooca uu yahay 3dii nooc ee aan soo sheegnay, marxalada uu marayo, da`da iyo caafimaadka guud ee bukaanka, iyo meesha uu kansarka ka asiibay.

GABAGABO:

Bani aadamku waa cudur iyo ciid u joog xanuunkana ilaahay baa qofka saara caafimaadkana isagaa siiyaa, laakiin qofka waxaa looga baahanyahay inuu la socdo cafimaadka guud ee jirkiisa si uu ugu hortago ama u sahlanaato daawadiisa ilaahay baa caafimaadka hayee, waxaa la rabaa inuu miisaamo cunadiisa, hurdadiisa, iyo jimicsigiisa si uu uhelo jir u dheelitiran caafimaad eebbe idankii.


AKHRISTA SHARAFTA LAHOW WIXII FIKIRKAAGAA NOOGU REEB BARTA FAALADA.




Post a Comment

1 Comments

  1. Qeybta hore ee ku saabsan astaamaha hore ee cancer ka aad bey ii cajabisay. Mararka qaar dadku wey Iska indho-tiraan calaamadahas muhiim ka ah.

    ReplyDelete