HORDHAC:
Tiktok waa shaacsane dunida taknoolajiyada aad looga isticmaalo. waana bar kulmisa dadka dunida ku nool , iyagoo u isticmaala siyaabo kala duwan , bartaan isticmaalkeedu aad ka u fududyahay waa seef mariid ku aslanyahay iyo marti soore wacan oo daalka iyo diihaalka looga nasto. maqaalkaan waxaan oga hadlidoonaa haddii eebbe yiraah saamiyada is le`egta qasaaraha iyo faa`idada bartaan.
Fiicnaan lahaydaa xog buuran oo ku saabsan bartaan!
Bartaan waxaa lasameeyey sannadii 2016, barahaan waxaa markii hore loo yaqaanay gudaha dalka shiinaha DOUYIN; waxaan barahaan sameysaya shirkada BYTEDANCE, kadib sannadii 2016 iyo bilowgii 2017 waxay shirkada BYTE... badashasy magaca barahaan oo ay u bixisey tiktok, kadib markii lagaaray 2018 baraha tiktok waxay heshiis lagay baraha kale ee MUSICAL.LY, wuxuu heshiiskaas noqdey mid miraha dhala oo baraha tiktok wuxuu noqdey mid aad looga yaqaano gudaha dunidaan alle sameegaa. sida rasmigaa akoonada ka furan bartaan waxaa lagu qiyaasaa 1.5 bilyan, waxaan sidoo kale xubno firfircoon oo daawashada ku wacan ka ah 1.1-1.2 bilyan, waxaana barahaan laga ogolyahay isticmaalkiisa inkabadan 150 wadan , barahaan waxaa kaloo ku keydsan 75 luuqadood.
Waa maxay abdada/faa`idada bartaan?
Bartaan waxay leedahay faa`idooyin doora oo ka qeyb qaadanaya dhisida iyo korinta bulshada, tiktok waxaa looga faa`idaysaa ganacsiga, waxbarshada, hal-abuurka, madadaalada, iyo shaqo abuur baaxad leh.tiktok waa madal uu qofkasta ku soo bandhigikaro hibadiisa iyo hoodaalooyinka uu ilaahay siiyey, isagoo aana u baahneyn wakhti badan. sidoo kale waxaa iyagana ka faa`idaysan ganacsiyada yaryar iyo kuwa waa weynba iyagoo ku soo bandhigaya badeecooyinkooda , iyagoo ka maarmay lacagihii tirada badnaa ee uga bixijiray xayasiinta. sidaa si lamida bartaan waa goob waxbarsho oo xiiso leh waayo waxaad ka helaysaa xog kasta oo aad uga baahato dhanka waxbarshada adigoo aysan wakhti badan kaaga lumin ayana kaa badantahay 15daqiiqo iyo kayarba. waxaadna ka helikartaa oo kale macalimiin siwanaagsan wax ugu sharaxa bartaan iyo waliba wakhtiga beekhaaminaya.
sidoo kale bartaan waxaad si fudud ku noqonkartaa qof ay ku xiranyihiin dad aad u badan , kadibna waxaad shaqo abuur ka dhigankartaa howlaha aad sida maalinlahaa bartaan uga qabato. sidoo kale bartaan waxay abuurtaa is-dhexgal bulsho iyadoo dadkii dunida dacaladeeda ku noolaa hal meel isugu keentay, bartaana waxaa ka dhalanaya is-fahan bulsho oo xaga dhaqanka, afka, iyo aragtiyaha ah,
sidoo kale bartaan waxaa ka faa`idaysta daawadayasha iyagoo kaga nasta daalka , diiqada iyo diihaalka dunida iyo caqabadaha nolosha.
Waa maxay qasaaraha bartaan?
Soomaalida oo ah dad cajiiba ilaahayna u dhiibay maskax quudata xigmadaha iyo xod-xodashada miisaan-raaca hadalka waxay tiraahdaa " nimco walba nusqaanteeda leh" waxaan uga socdaa hadlkaan , bartaan waa bar madadaalo, hal-abuur, ganacsi, shaqo-abuur, iyo meel ay ku dhanyahay koritaan qofeed ama bulsheed, intaa barkii laga soo tago bartaan waxay leedahay qasaarooyin le`eg faa`idooyinkeeda haddeysanba ka badneyn, dhinacyada ay saameynta xoogan ku yeelatay waxaa kamida ,
Akhlaaqda iyo diinta: bartaan waxaa lagu faafiyoo muuqaalo aan la jaanqaadikarin dhaqanka iyo diinta taasoo dhaawac u geysanaysa dhalinyarada iyo carruurta.
sidoo kale bartaan waxay dhaawac xoogan u geysataa qofka maskixiyan ahaan iyo jir ahaanba, qofka marka uu bartaan kujiro ama uu isticmaalayo wuxuu helayaa xogo badan oo mid walaba inta ay soconayso ay u dhaxayso 2-15 daqiiqo, taasoo qofka ku keenaysa inay ku dhacaan waxa afka khalaad lagu yiraahdo information overload oo soomali ku noqonaysa keydinta xog aan loo baahneyn taasoo qofka ku keenaysa isku dhexyaac xaga go`aan qaadashada aha iyo lumitaanka feejignaanta qofka , sidoo kale qofku bartaan wuxuu ka dhexlaa is-barbardhig nolosha uu shaashada ka arkayo waxayna keentaa ugu dambeyn kalsoonida oo yaraata iyo is hiif nololeed.
bartaan dadka waxaa uga baxa wakhtiga ugu badan waayo ma xakameynkaraan wakhtigoodo waxaana keenaysa isticmaalka uu ku dhisantahay bartani oo ah hab iskooralin aha ama is dhaafin laga bogtay wakhti yar.
haddii qofku bartaan laqabsado waliba dhanka xun wuxuu qatar ugu jiraa cudurada nafsigaa oo dunida maantadaan lajoogo rafiiqa la ah dadkeena iyo kuwa caalma.
GABAGABO;
Tiktok waa shaacsane seef labbo aflaa oo qof walba siduu u isticmaalo ay ugu abdo keenayso, sidookle waxaan dhihikarnaa silloon sugan " oo ah waa macaan iyo kharaar meel kuwada yaala", waxaasa haboon inaad uga faa`ideysato sida habboon ee wacan.
BARTA FAALADA NOOGU REEB WIXII RA`YIGAAGA.
0 Comments