Ticker

6/recent/ticker-posts

AANADU MA ILINTIRBAA MISE WAA UGAARSI AADANE?




HORDHAC:  

Aadanaha dhammaantiis ilaahay wuxuu ku abuuray dareen iska dhicis oo uu kaga hortago isdiidooyinka nolosha iyo araxjabinta aadanah kale , balse waa markii si sax ah loo isticmaalo qormo qoraaleedkeenaan waxaan ku dul isaagidoonaa utunta aanooyinka iyo iska dhicinta aaan cilmiyeysneyn oo aalaba daashaday bulshooyinka africankaankaa, qormadeenaan ma quseyn doonto bulshooyinkale ee waxay sigaara u abaaraysaa bulshadeena soomaaliyeed.


Aanadu waa curada qabyaalada, soomaalidu waa bulsho ciseysa qabiilka ilaayo xad , qabiilku soomaalida dhexdeeda waa abbe la jecelyay, waa hoggaan dhiiran oo ciseysan, waa gabar qurxoon oo ilaahay qurux u dhameeyey oo ninkii ay calmatay heshay oo la isugu duceeyey.

Sidaada si lamida waa sheekh caalima oo culuumta diinigaa buuni ku ah laguna ciseeyo cilmigiisa hadalkiisana la adeeco, qabiilku maahan wax ceeb iyo caro ka dhalanayso ee waa aqoonsi sharafeed la isku xiriiriyo waxana la isku taro  la iskuna haybsado, waayo quruun walba oo dunidaan ku ceeshta waxay leedahay asal iyo meel loo raad raaco, balse marka ay qurmayso waa  marka loo badalo darajooyin iyo in dunidaan kanshooyinka lagu helo reer hebalnimo.


Haddaan waxa ka orano aanada waa afcaal rukumane ka ah soomaalida dhexdeeda waayo soomaalidu waa dad dhiifoon gacantooduna ay sifudud isu gaarto , laakiin waa dad og in bini aadam isgaaro hadana isgaaritaankaasi ayna u xalin sida ugu wacan ama ugu haboon.

aanadu waa ficil uu sameeyo qof ilmeeyey oo aan ilintiisii la tirtirin, dhowr siyaaboodna ay ku dhacdo tirtir laa`aanta ilintaa dhabanadiisa qoysey. kadib dhibanuhu wuxuu geystaa afcaal uu u arkayo ilintir ama madax ciid ka cesasho isagoo gows dambeedka ku aha " RAG CIIL CADAAB KA DOORAY".

ficilkaas haku sameeyo kii dhibka u gestay ama mid kii ay xigaal yihiin sidaasna waxay ku noqotaa afcaal sameynteeda lakala boobo oo qarniyaal jirta.


KOOFIYAD DHAQANKU MA DANQIYAA MISE DABOOLE?

Sidaan horay usoo sheegnay soomaalidu waa dad ku go`aan qaata odayaal dhaqameedka hadalkooda, dhagtana ka buuxsha qalbigana u fura sidii ay ku hayaan " haye iyo howraarsan" badanaa odayaal dhaqameedku waa kuwa shida dababka ka dhex aloosma beelaha gacantoodu isagaarto , waayo waxay si aan shareecada waafaqsaneyn u galaan gar ay ka raadiyaan dux iyo daamo dhaqis , taasna waa tan sababta inuu dulmanihii uu geysto afcaal xun , waayo wuxuu waayey dhayitaan saxa oo dhibkii soogaaray ah sidaasna wuxuu ku noqonayaa ugaarsade aan diir naxa lahayn sidii inuu ku hayo" WAXABA DHOWRAN MAAYEE ILAAHOOW DHAXAGYO SOODAADI".

ilintirkii uu raadinayeyna waxay isku badalaysaa ugaarsi aadane oo jiil ka jiil laga dhaxlo, dhibaatadaa ama aafadaan waxaa sababa ama dhala amaba sikalee curiya qabyaalada oo ah shey quruna oo sameeya kala saar bulsho iyo faquuq aana hormar lahayn hagaas mooyee, waana tuu gabyaagii waynaa ee la oranjiray ABSHIR BACADLE yiri

    Qof muslinoo qabyaalad u diloon,Oo qowl iyo ficil gaysan,

     Qasadka iyo ujeedaduna tahay lagu qisaasaayo,

     Qabiilkaa muxuu uga dhashiyo  Qaadir uga yeelay ,

      Qiso murugo iyo yaableh oo qurana soomaahan,

     Waa quud ka dhigo ruux muslina  hilibkii qeyriine.

aanadu waa ficil la xakameynkaro haddii loo maro waddooyinkeeda balse sida aan ku aragno soomaaliada dhexdeeda waa meel laga raadsado biilka carruurta iyo xoogaga jeeb galiskaa , dhalintana lagu abaabiyo qabweynida qabiilka iyo aragtiyo kale oo hooseeya waxaana dhibowgaa maskexeed loo galiyaa dhalinta si loo helo maalinka xoog iyo xooloba loo baahdo, dhalinta soomaaliyeed waxay ku jiraan dhibow maskaxeed oo aysan dooran , waxayna ku kacaan afcaal aysan garaneyn waxa ay u gaysanayaan iyo cida ay ugaysanayaan , 


GABAGABO:

ninkasta oo dhalinyaa oo soomaaliyeed ha is waydiiyo maxaa adigoo helikara 20M oo kula af, dhaqan iyo diina helikara ku koobay 3K oo aana dhib maahane dheef kugu soo kordhineyn.


Post a Comment

0 Comments