Ticker

6/recent/ticker-posts

WAA MAXAY CONSUMER PRICE INDEX?

 


HORDHAC:

CPI ( consumer price index) waa cabir abdo ah oo cadeynaya isbadalka qimaaha badeecadah iyo adeegyada sida joogtaa u adeegsadaan dadka macaamiishaa. cpi waxaa loo isticmaala in lagu cabiro  sicir bararka (inflation). si loo xisaabiyo cpi waxaa la isticmaalaa wax loo yaqaano "MARKET BASKET" ama dambiisha suuqa . dambiishani waxay ka koobantahay noocyo kala duwan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sida : cunada iyo cabitaanka, guryaha, gaadiidka, caafimaadka, dharka, iyo adeegyo badan sida waxbarshada, isgaarsiinta, iyo madadaalada. 

Dambiishani waxaa qiimaheeda lala barbardhigaa qiimihii ay lehayd xilli hore si loo ogaado kor u kaca iyo hoos udhaca ku yimid suuqa.

haddaan si fudud u qeexno CPI waa qaacido qeybsame ku dhufsane boqoleey ah taasoo looga cabir qaato isabadalada ku yimaada qiimaha suuqyada dunida.

sidaa si lamida cpi waa tilmaame dhaqaale oo loo adeegsado furdaaminta howlaha shirgadaha, dowladaha, iyo xataa howlaha qof ahaaneed, waana cabir jaangooye ah oo sal u ah arimaha sicir bararka, go`aaminta siyaasada dhaqaale, hagaajinta mushaarka shaqaalah, iyo falaqeynta xaaladaha dhaqaale.

 MAXAY KUKALA DUWANYIHIIN CPI(consumer price index) iyo PPI(producer price index)?

Labadaan qaacido badanaa dadku aad bay isugu khaldaan balse maahan waxa isku meel la isugu qaadi karo inkastoo ay saameyn xoogan isku leeyihiin. haddaba cpi muxuu ka hadlaa qaacidadani waxaay focus garaysaa ama cabirtaa isbadalka badeecada iyo adeegyada macmiilka waana cabir ka turjumaya kharashaad nololeedka qoysaska iyo dadka shakhsigaa.

halka ppi uu cabiro isbadalka qiimaha badeecad soosaaruhu(producerku) ku iibsado ama ku helo badeecada ama adeega iyo alaabada kale ee loo adeegsado geedi-socodka nolosha. lana soco qiimaha ppi wuxuu xogmiyaa qiimaha cpi sababtoo ah haddii kor u kac ku yimaado qiimaha ppi waxaa 95% la saadaaliyaa inuu kor u kac ku imaanayo qiimaha cpi.

SIDEE CPI U SAAMEEYAA SUUQYADA CAALAMKA IYO GDP GA DALKA?

CPI gu wuxuu saamayn toosa ama raadeyn toosa ku leeyahay GDP ga dalka iyo suuqyada caalamka,haddii CPI kor u koco waa kor dhaya qiimaha badeecada iyo adeegyada taasoo hoos u dhigeysa awooda wax-iibsiga macaamiisha. saameyntani waxay si toosa ula xiriirtaa labbada arimeed ee ciwaan-su`aaleedka noogu xusan arintya 1aad ee ah saameynta suuqyada caalamka ; kor u kaca  CPI wuxuu inta badan keenaa in bangiyada dhexe ay kordhiyaan dulsaarka si loo xakameeyo sicir bararka tanina waxay dhalisaa in maal-gashadayaashu ka guuraan suuqa saamiya (stock market) oo ay u wareegaan maal-gashiyo kale oo ammaan ah sida government bondska ama daymaha dowlada taasoo sababta in in suuqyada saamiyada hoos u dhac ku yimaado.

arinta 2aad ee ah saameynta GDPga dalka CPI wuxuu si toosa u saameeya GPD(grow domestic product) maadaama GDP gu uu cabiro wadarta qiimaha badeecada iyo adeegyada la soosaaray. haddii sicir bararku uu sare u kaco waxaa yaraada kharashka macaamiisha iyo maal-gashiga shirgadaha taasoo hoos u dhigikarta kobaca dhaqaale ee dalka ( GDP GROWTH).

GABAGABO:

Inaad fahantaa qiimayaashada dhaqaale iyo halbeegyada lagu cabiro, islamarkaana aad la socoto dabaylaha dhaqaaleed ee dunida halkay kulaalayaan waa mid kaa caawinkara inaad indheer-garad ku noqoto xogaha dhaqaale ee dunida kuwa muuqda iyo kuwa daaha gadaashiisa laga hagayo.

QORAA : Ahmed xilkas.





Post a Comment

0 Comments