HORUDHAC:
Tan iyo markii la doortay ama la dhisey jamuuriyadii koowaad ee dalka ee uu hogaaminayey madaxweyne cabdirshiid cali sharmaake , ummada soomaaliyeed ama shacabweynaha soomaaliyeed haddaba kaad u garan ogtahay waxay isku fahmi la`yihiin dhisida iyo yagleelida dowladnimo taama oo tusaaale noqonkarta. qormadaan waxaan ku dul istaagi doonaa is diidooyinka soomaalida dhexdeda ah ee waliba gaamuray.
Si aan ufahano meesha ay salaadu iska qaban la`dahay waa inaan dib ugu laabanaa 65sanno oo aan soo dhaafnay markaasna ay hillaadu ku beegneyn bilowgii 1960 oo ahayd markii aan gumaysiga xornimada ka qaadanay waxaa dalka gacanta ku dhigay dhalinyaro dhiifoon oo uu ugu horeeyo aadan cabdulle cismaan { aadan cadde} isalamarkiiba waxaa soo shaac baxay khilaafyo u dhexeeya dhalintii dhanka waqooyi iyo dhanka koonfureed oo isku fahmiwaayey xillalkii , intaa kabacdi waxa ilkaha la isku qabtaba waxa uu dalkii u dareeray doorasho markeedii ugu horeysay africa si xakh iyo xalaala uga dhacda oo shacabku awooda doorasha leeyihiin waxaana bartaa lagu doortay mudane cabdirshiid cali sharmaake, intaa ka bacdi waxaa cabdirshiid xukunkiisii dhashay khilaaf xoogan waxaana soo shaac baxay eedaymo loo jeedinayo madaxweynaha oo ay ka mid yihiin musuq baahsan iyo tayo xumo dowladeed , iyadoo taasi jirto lana dareemayo dabayshaa qatarteeda wadata ee dalka ku soo wajahan waxaa madaxweynaha lagu dilay magaalada laascaanood isagoo safar booqashaa kujira, waa yahay bal qalinoow nawad markaa kabacdi dalka waxay gacantiisu gashay askartii dalka iyo dadkaba xukumaysay muddadii 21sanno ahayd.
Askartaasi oo uu foolaad u ahaa jaalle maxamed siyaad bare waxaa lagu tuhmayey xukun isku dhajin, amar ku taagleyn , shacab ku tumasho, dastuur laalilid iyo baarlamaan kala cayrin waana sunaha dowlada kaligii talis uu hogaamityo, jiritaanka dowladaasi waxay salka ku haysey caburin bulsho oo loogu daray ha ooyina , markii afcaashaati taabagal noqotay waxaa gadood sameeyey shacabkii waxayna noqdeen jamhado dabka u qaaday xil katuurida kaligii taliyayaasha balse majirin ujeedo ka dambeysa xilkatuurida ka bacdi waxa la sameynayo, waxay ahaayeen bulsho aana maskaxdoodu ku jirin falaarta iga bixi mooyaane aan iga fogee lahayn.
markii xilka laga tuuray jaalle siyaad waxaa dalkii ka dhacay wax aana la arag oo aana la maqal qof bini aadamana dhagtiisa iyo maankiisaba ku soo dhicin : waxaa la bililiqaystey hantidii dowlada , waxaa la dilay haweenkii , caruurtii, odayaashii, waxgaradkii, culima owdiinkii iyo dhammaan labeentii bulsha qasadkuna wuxuu ahaa waa reer hebel , soomaali dhammaanteed waxay noqotey nin qori wata iyo nin biyaha kadaba wada, jamaahiirtii jamhada iyo jaallayaashii hogaaminayey waxay kaga dhagtay anaa dalka madax ka noqonaya ee midkoodna kuma soo dhicin sidee loo samata bixiyaa dadkaan, howsho waxay noqotey qori qori ku taag iyo haddaan dhinto yaan dhoola cadeyn, soomaali way is nacdey , is hiiftey, is huftay oo iskala haadisey , nin walba cidii uu dhicikaray dhac, kuu dilikarayna dil.
Markay soomaali halkaa maraysey oo garan waydey is disheene is daaya waxaa arinkeeda soo dhexgalay beesha caalamka oo dhan intaa kabacdi soomaali waxaa la isugu yeeray jabuuti oo lagu qabtay shirkii carta hillaadu markay ahayd 2000 , shirkaa wuxuu ahaa dib u heshiisiin qaran , waxaana shirkaa lagu doortay madaxweyne cabdi qaasim balse dowladiisa waxaa curyaamiyey isdiidkii soomaalida dhexyaalay , kabacdi waxaa hadana shirka lagu qabtay embagaati oo kenya ah waxaana lagu soo dooraty madaxweyn cabdullahi yuusuf , soomaali markaan wali waa sidii xitaa waxaa la sameeyey si xasilooni loo helo wax loogu yeero 4.5 oo ah sida loo kala awood badanyahay in waxa loo qeybsado, arintani waxay xoogaa keentay isfahan ku salaysan qabiil waxaa laga guuray aqoon, caqli, cilmi, iyo howlkarnimo. waxaana loo guuray qabiil, qarasha iyo qoondo siyaasi waxaana soomaalida bartaa kaga qaldamay dhaqanka siyaasigaa { political culture} waan dhibaatada maanta taagan oo in iyada la saxo maahane wax kale ayna suuroobeyn. markaa sidaa kuleeyahy waa asalka siyaasada in bartaa la saxaa maankana ku hay inay jirta tuduc dhahda
"labbo howl tan horeysa haddii aan la horeysiin howli miyey dhammaataa".
25SANNO KABACDI SOOMALI MAXAA U SAXMAY:
Soomaali maanta wax badan ma dhaanto sidii hore haddeyba ka darneyn . soomaali maanta siyaasigeedu kursi maahane kaalmo maleh marka uu qabsadana wuxuu ku howlanyahay sidee markale laguu soodoortaa, kaadiriintii dadlkana waxay wax kasta ka dhigeen dan gaara waxayna ka guureen danta guud taasina waxaa dulmane ku noqdey shacabka soomaaliyeed ee rajo ku noolkaa, wadanaku maanta waa federal laakiin waxaad moodaa markaad aragto hab-dhaqnka siyaasigaa inaytahay dalal kala madax-bannaan, intaa kaliya miyaa khilaafka soomaalida waa may khilaafkii wuxuu dhexgalay shacabkii, ardeydii, culimo owdiinkii, odayaashii dhaqanka, iyo xitaa carruurtii oo mid walab taabacsan cidda kursiga ku matasha .
markaan aragno intaas oo dhan soomaalidu waxaad is dhahaysaa mataqaano miyaa waxaana ahayn jafta iskeen ama barxada iskeen , malahan miyaa xalal waara oo xasilooni dhala, maku fakaraan miyaa nolol reyn-reyn wadata oo raaxo loo baqti , soomaalidu waa dad aana garaney furdaaminta iyo faya dhorka bulsha inta garaneysana waa inta kuraasta wax ku oolkaa laga qadiyey oo 0.5 iyo waxaana jirin lagu sheegay. yar aan barri kaftaneyn baa yiri "war ina adeer maxaa kuraasta silsiladaha ugu xirateen".
soomaalidu waa dad aana rabin inay isku taliyaan , wada tashadaan ama midkood taliyo waa duul yaableh waxaan soo xasuustay heestii saado cali AUN ee ahayd
Aan wada tashano, wada tashaynmayno
Aan kala tashano, kala tashanmeyno
Aan kuu taliyo, ii talin maysid
Adigu ii tali walaal, kuu talin maayee , tabtaasey inoo ahaanaysaa.
Waxaa iyana caadi isku badashay heestii qaranka ee ahayd soomaaliyeey toosoo oo isku badashey
soomaaliyeey tiica
tiica oo tabar beela
hadba kiina taag-daran
tunka uga istaaga.
GABAGABO:
Soomaali arinkeedu waa suul faro kama tirsana xalada ay maanta joogto iyo tii ay shalay joogtey waxba iskama badalin sidii bay isku cunaysaa oo cadow isugu tahay waxayna xaalkeedu marayaa " ha is raacdo diidaye ha is raamsato" marka waxaa loo baahanyay wada tashi dhaba , cafis waara, laabgalin qalbiyana, duco iyo talo saarasho toobad keen alle ku laranyahay in la sameeyo taasi waa xalka ugu fiican , kadibna lagu daro tanaasul aan dib ka gocasho lahayn.
Q: Axmed xilkas.
0 Comments