HORDHAC
Labadii sano ee la soo dhaafay, magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug waxaa ku soo noqnoqday colaado dhiig badan ku daateen oo salka ku haya aano qabiil. Dhibaatadan ayaa gaartay heer ay saameyso guri kasta, qoys kasta, iyo qof kasta — iyadoo ay adkaatay in la helo cid gebi ahaanba ka badbaaday.
Beelaha ku dhaqan qaybta ay magaalada ka maamusho Puntland, qabiilada dagan marka laga dhigo shan qaybood, waa Daarood, Carab Saalax, Madhibaan, Shiikhaal, iyo Dir. Dhammaan beelahan waxaa si toos ah u taabtay aanadaas, taas oo bulshada reer Mudug u noqotay aafada cusub ee gobolka.
SABABAHA DHALIYAY AANADA SOO NOQNOQOTAY
Marka la baaro xididdada mushkiladda, bulshada Gaalkacyo waxay tilmaameen sababo dhowr ah. Haddaba, halkan waxaa lagu soo koobay 12 sababood oo waaweyn:
1:Cadaalad darro – Dhibanaha oo xaqiisa ku waaya nidaamka xeerka beelaha ee mararka qaarkood qalafsanaada, iyadoo si xun loo maareeyo dhacdo la isaga soo heyday.
2:Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsada – Dambiilaha oo aan la soo qaban, kuna magan gala ehelkiis degaannada Mudug ama dhoof ku baxsada.
3:Mag la kala qaato oo aan raalli la iskaga ahayn – Qoyska dhibbanaha oo aan helin mag cadaalad ah, ama oggolaansho la’aan lagu khasbo in ay qaataan mag.
3:Xeer dhaqameed si qaldan loo adeegsado – Marka labada reer wax iska dilaan, midkood oo diida inuu qaato xeer cusub oo aan dhaqanka beeshiisu aqoon.
4:Tabar-darrida dowladda – Booliska iyo hay’adaha amniga oo aan awoodin qabashada gacan-ku-dhiiglaha.
5:Kicinta bulshada – Baraha sida TikTok iyo Facebook oo laga kiciyo colaadda, kana qaata doorkii shaydaanka.
6:Suluxii oo la waayey – Odayaasha iyo culimada dhaqanka oo aan doorkoodii buuxin, isla markaana waxaa yaraaday dadkii sulaxa gali jiray.
7:Akhlaaq iyo ehelnimo luntay – Is-aaminaaddii bulshada oo meesha ka baxday, isu-turkii iyo is-xeerintii oo la waayey.
8:Faragelinta kooxaha hubeysan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya – Kooxo hubeysan oo xeelado u adeegsada si ay bulshada u kala fogeeyaan.
9:Isku-dirayaal gudaha iyo dibadda jooga – Kuwo abaabula colaadda oo maalgelin siiya dadka dhibaatooyinka wada.
10:Garsoor aan wax-qabad lahayn – Maxkamado aan awoodin xukunnada dilka iyo dambiyada culus.
11:Nidaam la’aan iyo ku tuman sharci – Qof walba oo u dhaqmaya si gaar ah iyadoo aan la hayn hal nidaam mideeya bulshada.
SAAMAYNTA AANADA SOO NOQNOQOTAY
1:UURKU TAALO:Dhaxalka colaadaha mar walba waa gumaad, barakac, iyo burbur bulsho. Waxaa laga dheefsadaa uur-ku-taallo, caloolyow, iyo gargarkii oo bilaash u go’a.
2:Luminta Haldoorka:Waxaa dhimatay ganacsato, dhakhaatiir, arday qalin beddeshay, iyo dad bulshada muhiim u ahaa. Ganacsato ayaa la dilay, kuwo ayaa cararay, kuwa kalena qoryo lagu wardiyeeyo ayaa goobahoodii shaqo fadhiya. Dhibka iyo mashaqadu qof walba way gaartay.
3:Is-aaminaaddii bulshada: waxaa burburtay is aaminaadii Qofba qofkii saaxiibkii ahaa ayuu ka dhuuntay, sababtoo ah labadooda qoys ayaa is dilay. Waxaa la gaaray heer qofka lagu bartilmaameedsado magaca qabiilkiisa, waxaa fadhigii goobaha bulshada ku kala go'ay saaxiibo sheeko wadaag ahaa.
4:Carar:Shaqooyinkii, qoysaskii, iyo himilooyin badan ayaa laga huleelay dadkii hayeyna ka carareen inay bartilmaameed noqdaan . Qaar ayaa u qaxay dhul cusub, nolol cusubna bilaabay. Kuwo kale ayaa ku haray cabsi iyo hubsiimo la’aan.
5:Waxbarashadii:Goobihii waxbarashada ayaa hoos u dhacay, sababtoo ah arday iyo macallimiin muhiim ah ayaa ka baxay deegaanka naftan magan galyo la raadsaday Bulshada inteeda badan waxay guratay xanuunka iyo kala irdhowga ay colaaddu keentay Guri walbana lilaahi looga dareemay
DOORKA DAWLADDA
Dhibkan wuxuu muujiyey in nidaamka dawladdu uu ku guuldaraystay inuu dammaanad qaado amniga muwaadiniinta, Booliska ma awoodaan qabashada dambiilayaasha, halka garsoorkuna u muuqdo mid aan awoodin inuu xukumo dambiyada dhiigga ee ay hayaan gacan ku dhiig layaasha
Arrintaas waxay bulshada Gaalkacyo u caddeysay in hay’adaha amniga iyo cadaaladdu ay ka maqan yihiin goobihii ugu muhiimsanaa ee ay ahayd inay ka dhex muuqdaan — nolosha iyo nabadda muwaadinka.
GUNAANAD IYO TALOYIN
Aanooyinka soo noqnoqday waa calaamad muujinaysa in bulshada ka hurudo xil dhaba aysan iska saarin mashaakilka taagan.
Si loo joojiyo dhibaatadan la mid noqotay tusbax la furay waxaan soo jeedin doonaa talooyin aan is leenahay xalka ayey qayb ka noqon karaan
1:Dowladda Puntland waa in ay dejisaa xeer gaar ah oo lagula tacaalo aanada, lana sameeyaa maxkamado ku-meel-gaar ah oo u heellan dambiyada dhiigga maaadama dawlada dhankeeda liic xoogleh ka jiro sidoo kale ayadoo umaraysa shareecada xalinta kiisaska dilka.
2:Culimada iyo odayaasha dhaqanka waa in ay si mideysan Gunta xariga ugu dhuuqsadaan ayna ukacaan xal u holida aafooyinkan.
3:Baraha bulshada waa in la helaa xal lugu xakameeyo gaar ahaan tiktok oo noqday aafada cusub ee maanta
4:Jaaliyadaha dibadda waa in ay ka qayb qaataan nabadaynta sidoo kale waa inay wax ka qabtaan xubnaha fitanada gudaha ka dhacaysa ka shaqeeya lacagahana soo dira
5:Waxbarashada iyo dhalinyarada hay'adaha waxbarashada iyo dhalinyarada uxil saaran waa inay qaataan door muuqda ku saabsan ladagaaalanka qabyaalada iyo dhiiga
EREY DHAMMAAD
“Colaad wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho.”
Qore: Abdiqafar Abdirahman Hussein
xuquuqda qoraalkaaan waxaa leh qoraa abdiqafaar iyo madashada tusid tolmoon.

0 Comments