Ticker

6/recent/ticker-posts

SIYAASADU MA IL DAKHLI BAA?

 


 siyaasadu waa hawl shaacsanaa oo ku salaysan tab iyo xeel  oo lagu hogaamiyo bulsho laguna xaliyo hadba baahiyaha caamkaa ee ay qabto. taasi waa siyaasda ka badhax tiran hagardaamada, musuqa, isdaba marinta, iyo nin jeclaysiga: akhristaha sharafta lahoow haddaan qaaxitaanka siyaasada intaa kusoo koobay ila soco waxaan doonta shiraaceeda u jeedindoonaa barta dabayshu usocoto oo ah wax ka ogaanshaha iyo toosh ku ifinta afcaasha siyaasigaa ee soomaalida.

Madaxdeenu ma aabbayaal baa mise waa uur dooxayaal?

su`aasha aan isweydiinay ka jawaabideedu maahan wax sahlan ama u baahan in lagu cabiro hadal iska caadiya balse waa jawaab u baahan in uurka laga dooxo isdiidooyinka siyaasigaa ee shaacsanaha ah, madaxdeenu waa dad marka hore af macaan oo kadibna afcaal kharaar mana sheegikarno waxa ku riixaya sameynta waxaa laga yiqyiqsoodo , madaxdeenu waa balan-qaadayaal buuni ku ah beenta , waana biraystayaal bashaashnimo ku dareemaya beer dilaacinta bulshada, soomalida sidaan wada ognahay waa dad isku af ah, dhaqana , diina, oo mararka qaar aad is dhahayso waa dad hal calool kasoowda baxay, haddana sidaas ay tahay waa bulsho hormarada nolosha xaga hoose ka jooga, dalkeena soomaaliyeed maalinkasta waxaa ka muuqta rajo xumo aan laga soo doogeyn inay ka sii darto maahne , dhalinyarada oo ah bulshada soomaaliyeed saami dadeedka ugu badan waxay jeel maskaxeed ugu jiraan siyaasiyiin aana ka fakarayn fiicnaanta dal inay ka fara buuxsadaan maahne. 

dalkeenu sidaan wada ognahay amaba muuqata waxa uu leeyahay kheyraad cajiiba oo haddii laga faa`idayso wax weyn bulshada u qabanaya waxaana kamida 9milyan oo higtar oo dhulbeereeda, 2webi oo joogtaa, bad dheererkeedu yahay 3333km iyo u furnaansho caalamka oo dhana waayo wadankeenu xuduudihiisu waa fursado cajiiba waana sababta loogu tilmaamo dhul istaraatiiji ah, madaxdeenu ma waxay ku mirmirsoomkaraa wadanku kheyraad maleh waa maya, ma waxay ku mirmirsoomkaraam cudud male waa maya iyadana, miyaysan ahayn maraka howraartii ay islaantii soomaaliyeed tiri ee ahayd " cabdi feero weyne gabdhayda kama dhali waayine hagrashaa jirta", waa isla iyadii waayo waxaba ma dhaanto.

madaxdeenu waa barakiciyaal bulsho, waa meyd canshuurayaal, waa kheyraad daldashayaa, waa qorimaatule shisheeye iyo qanciyaal ajanabi.

Dhalinyarada soomaaliyeed iyo dhibowga nolosha:

Dhalinta soomaaliyeed waa cida dulmanaha u ah afcaasha siyaasigaa ee aad moodid inay ku ahayso "il ribix arkaysa rixin ma eegto" dhalinyaradu waa cudud qabankara wax walba oo fiican haddii ay helaan daryeel hagaagsan iyo koolkoolin wax tarleh , balse soomalida dhexdeeda adigaa waxaa lagu yiraahdaa daryeel iskadaayee haddey naftooda u amaan helaan bay nasiib qabaane, dhalinyarada soomaaliyeed waxaa ku dhacay jab iyo naaso beel iyagoo markii horaba dhashay iyagoo niyadjabsan dhawaaqii dhalashaduuduna aad moodeysay bukaan ka niyad jabsan daryeel la`aanta isbitaalka uu mudada kujiray, baa waxaa ugu darmay shaqo la`aan haddey jirtana la isku siiyo yaa reer hebal ah, waxbarasho aan nidaamsnayn oo cirka soo nuug ah iyo fursado nololeed oo aad uyar.

marka aan fiirino afcaashaa dhalintu waxay noqotey kuwo isku madadaalinaya xikmado ay ka mid yihiin " waa la doogiye yaan la dacaroon", " badeeco xumaatey ninkeedaa leh ", iyo kuwo intey bif yiraahdeen ka cararay quusata iyo rajo beelka xargaha goostey oo aan jiilaal mooyee guba lahayn, waxaadna moodaa inay maanka ku hayaan qeyb ka mida gabaygii dhoodaan ee dhahayey

   Mar haddey garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo

   Inaad gabi dhaclaysaa way xuntohoo ood galgalataaye

   Bari iyo galbeed xaajadu waa mid u gawaan raace.

Bajaaj baan master ku diyaarinooyaa:

ayaamo dhexdaas ah waxaa barta tiktok iyo aaladaha kale shaacsane ka noqdey yar yiri waxaan dhammeeyey jaamcad waxaan ahaystaa degree koowaad waxaan ku waayey shaqo aan u qalmay balse ninkaasi isma dhiibin waddankiisana ma hiifin ee wuxuu isku dayey inuu wax soosaar sameynto waxayna ahayd ninkaas iyo dadka lamidkaa in sigaara loo tixgaliyo balse cidina ma samyne waa lagu dhibay wadooyinkii iyo canshuurihiiba falka dhalintaa lagula kacayo waxay isoo xasuusiyeen howraartii ahayd " geelaan waa didinayaaye yuusan damac kaa galin"

Badduhu ma xabaalo xiiso lehbaa:

Maalinkasta waxaan maqalnaa dhiilo nooga timaada meelo dunida ka mida oo marin badeedyo ah waxaana noo daaran " Dhawaaqu xumaa dhaguhu maqlayaan" waxaana naloosoo sheegaa geeri uurka goysa hooyo, abbe , ehel jeclaa iyo asxaab ay foolaad u ahayd ruuxdaa go`dey, badduhu waa kanshada ugu dambeysa ee ruuxda qofka soomaaligaa ku jirta oo uu isleeyahy waa rajo iyo ruux go` is wata , waxaa ka badan dhalinta badda ku dhammaato kuwa jeelalka ku jira oo rajo sugaa, war dee qaraabo soo uf iyo ur maahan kaadiriinta siyaasda ee dalka waa abbayaasha utunta, uurkutaalada iyo ufaanufta dadka soomaaliyeed haysta.

suudadka ay noo xirtaan iyo agabka aay natusaan iyo waliba hadalada ay ku ololeeyaan waa shinbirayahow heesa. 

markaan arko beenahaas shaacsanaha ah ee lagu soo bandhigo suuqyada saamileyda siyaasda taageerahana looga helo qabaa`ilka waxaa igu soo dhacda qormo ku jirta buuga " jeel ogaadeen ee dhahaysa jigjiga layrka aragtaye luunka ma ogtahay"

Soomaalidu ma buktaa mise way barakaysantahay:

Haddaan sicad oo qayaxan uga jawaabo su`aashaan soomaalidu waa dad buka , waayo waa dad leh leh 100 taliye oo beesha caalamkaa maahmaah lahjad mey ah baa waxay tiraahdaa "Buktee bogolaal taliyaasee"

doodaha raqiiskaa waxaa kamida soomaalidu waa isku af, dhaqan, diin, war intee dunida jirta oo aana waxaba iska galin haddana uwada noolo si ciseysan oo wax ku ool ah, soomaalidu waa dadka kaliya oo kanshooyin hormarineed haysta haddana aana isku dayey saami la qeysiga dunida, bal aan nila kaftamee dunidu waa iyada laga baqayo dagaal saddexaade soomaaliya arimahaa wax mak oghtahy😁

siyaasi kamida kaadira soomaaliyeed baa dhawaan laga hayaa " dhalinteena hankii baan ka dilnay, rajadii baan ka baabi`inay mustaqbalkoodii baan god ku ridnay qofku inuu bada isku tuuro xaq buu uleeyahy masuuliyada inagaa iska le" waa ogaansho saxa balse yaa wax ka qabanaya bay taagantahay.


GABAGABO:

Markaan soo aragnay ilahaa dhibaato ee jirta oo bilaa xalkaa waxaa noo muuqata inay siyaasiyiinteenu ka dhigeen siyaasada il dhaqaale oo fara buuxsi iyo jeeb buurni ah.

Q: Ahmed xilkas.



Post a Comment

0 Comments